Guddiga doorashooyinka Puntland oo shaaciyay xogta tirada guud ee kaararka cod-bixinta doorashada

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa si rasmi ah u shaaciyay xogta tirada guud ee kaararka cod-bixinta doorashada saddexda degmo.

Warqad ka soo baxday Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa lagu soo bandhigay xogta tirada guud ee kaararka cod-bixinta doorashada saddexda degmo ee gobolka Nugaal.

Guddiga PEC ayaa sheegay in tirada guud ee kaararka cod-bixinta ee la diyaariyay ay yihiin 64, 746 kaar, kuwaasi oo 63, 649 kamid ah la qaatay, halka 1,097 kaar weli harsan yihiin.

Tirada guud ee kaararka cod-bixinta la diyaariyay ee degmada Garoowe ayay guddigu ku sheegeen 50,866 kaar, kuwaasi oo 49,801 kamid ah la qaatay, halka 1,065 kaar weli harsan yihiin.

Degmada Dangoroyo, waxa la diyaariyay 10,847 kaar, waxaana la qaatay 10,827 halka ay weli harsan yihiin 20 kaar oo keliya, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka.

Ugu danbayn, degmada Godobjiraan waxaa la diyaariyay 3,033 kaar cod-bixin, waxaana la qaatay 3,021 kaar, halka ay weli harsan yihiin 12 kaar oo keliya sida uu sheegay guddiga PEC.

PUNTLAND POST