Go’aanno laga soo saaray dhammaystirka Nabadaynta Beelihii ku dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamullada Puntland iyo Galmudug, oo ay weheliyaan Odayaasha Dhaqanka labada Beelood ee Sacad iyo Leelkase ayaa soo saaray Qodoba dhammaystir u ah Nabadaynta Colaaddii Galbeedka Mudug.

Dhinacyada oo Shir ku yeeshay Degaanka Maygaagta ee Galbeedka Gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay Qodobada dhammaystirka Fulinta Go’aannadii Xabbad-joojinta ee Colaadda Labada Beelood ee ku dagaallamay Galbeedka Gobolka Mudug.

Waxaa la go’aamiyay in hubin lagu sameeyo dhammaystirka fulinta Qodobadii Xabbad-joojinta iyo kala qaadista Maleeshiyaadka Beelihii dagaallamay, islamarkaana Ciidamada qaabilsan Amniga ay xaqiijiyaan in aan isku dhac danbe imaan inta laga hirgelinayo Heshiis Nabadeed oo Rasmi ah.

Waxaa Sharci-darro loo aqoonsaday in dhismayaal iyo Degaameyn laga sameeyo Dhulkii lagu dagaallamay, waxaana loogu baaqay dhammaan Odayaasha Labada Beelood in ay Kaalintooda ka qaataan Fulinta Go’aannadii Xabbad-joojinta Labada dhinac.

5/8/2024 ayaa loo asteeyay in uu furmo Shirka Rasmiga ah ee Nabadaynta Labada Beelood, kaasi oo lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo, si loo dhammaystiro Gogoshii Wada-hadalka Nabadda Labada dhinac ee dirirtu dhexmartay.

Sidoo kale, waxaa la go’aamiyay In wadahadallada Gogoshu ay ku koobnaadaan Odayaasha Labada dhinac, iyadoo Maamullada Galmudug iyo Puntland ay korjoogteynayaan mar walba lana xallinayaan Odayaasha wixii ay isku fahmi waayaan sidoo kalana ay farsamao ahaan hagayaan Maamulka Shirka.

PUNTLAND POST