
Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen rag ku eedaysan dhac iyo boob lagu sameeyay xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso.
Qoraal uu soo saaray Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen eedaysanayaal maalmo ka hor dhibaato u geystay ganacsato ku sugan magaalada Boosaaso
Taliska Booliska ayaa sheegay in eedaysanayaasha oo loo haysto in ay weerareen xarunta ganacsi ee Boosaaso kadibna shidaal ka boobeen uu Ciidanka Booliska ku qabtay degmada Waaciye ee gobolka Karkaar.
“Ciidamada Booliska Gobalka Karkaar gaar ahaan Saldhiga Degmada Waaciye ayaa Gacanta Ku dhigay Edesanayaal Maalmo Ka hor Dhib u geystay Ganacsato ku sugan Magaalada Bosasso kuwaas oo ku weeraray Qori kadibna ka Boobay Shidaal”
“Taliyaha qaybta gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamed ayaa ugudigay cidkasta oo ku howlan dhibaatayta bulshada in sidan oo kale ay usoo qabanayaan iyada oo la horgayn doonaa Maxkamadda Awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.