Xisbiyada siyaasadda Puntland oo walaac ka muujiyay hufnaan la’aanta doorashada saddexda degmo

Lix kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa walaac ka muujiyay hufnaan la’aanta doorashada saddexda degmo ee gobolka Nugaal oo lagu wado in ay qabsoonto Todobaadkan.

War-saxaafadeed wadajir ah, oo ay soo saareen lixda xisbi oo kala ah; Mideeye, Mustaqbal, SINCAD, Ifiye, RUNCAD iyo Shaqaalaha ayay ku muujiyeen walaaca ku aaddan hufnaan la’aanta doorashada, kadib markii sida ay sheegeen xisbiga talada haya ee Kaah uu xad-gudub ku sameeyay xeerarka iyo habraaca ololaha doorashada saddexda degmo.

Xisbi siyaasadeedka xukuumadda madaxweyne Deni ee Kaah ayay ku eedeeyeen in uu si cad ugu xad-gudbay maalmihii loo asteeyay ololaha xisbiyada kale, islamarkaana uu hantida dowladda, ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah  u isticmaalay ololaha doorashada, iyadoo uu ku ololeeyay xil-bixin ay u siman yihiin dhammaan muwaadiniinta Puntland.

War-saxaafadeedka ay wadajirka u soo saareen xisbiyadani ayay sidoo kale ku sheegeen in aysan ku qancin go’aankii guddiga doorashada Puntland ee PEC ku ganaaxeen xisbiga Kaah, waxaana ay ku hanjabeen in ay go’aan kama danbays ah ka qaadanayaan doorashada, haddii aan la sixin qaladaadka xisbiga Kaah.

Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka

PUNTLAND POST