Taliska Ciidanka Booliska SSC-khaatumo oo warbixin ka soo saaray dilka marxuum Dulqarneyn

Taliska Ciidanka Booliska SSC-khaatumo ayaa warbixin rasmi ah ka soo saaray geerida marxuum Cabdiqani Axmed Diihaal (Dulqarneyn) oo lagu dilay degmada Widhwidh ee gobolka Cayn.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay in marxuun Cabdiqani Axmed Dihaal (Dulqarneyn) uu dhaawac soo gaaray ugu geeriyooday isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood.

Taliska Booliska SSC-khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in marxuum Dulqarneyn uu u geeriyooday dhaawac uu gaarsiiyay 12 July eedaysane Ibraahim Maxamed Cawad kaasi oo ku dhaawacay degmada Widhwidh ee gobolka Cayn.

“marxuukaas oo u geeriyooday dhaawac tooray ah oo soo gaadhay 12 July 2024 abaaro 3 galabnimo, oo uu geystay Eedaysane IBRAAHIM MAXAMED CAWED ina QAMAR GELLE, 55 jir ah oo ku dhashay Degmada WidhWidh ee Gobolka Cayn”.

“Ciidanka Boolisku waxay ku guulaysteen inay gacanta kusoo dhigaan Eedaysanaha magaciisu kor ku xusan yahay, sida ugu dhakhsaha badanna Loo hor geyn doono Sharciga si loo waafajio Cadaaladda” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Booliska SSC-khaatumo.

PUNTLAND POST