Madaxweyne Erdogan oo Baarlamanka Turkiga horgeeyay ansixinta Ciidamo loo dirayo Xeebaha Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Turkiga Rejeb Dayyib Erdogan ayaa Baarlamaanka horgeeyey in ay ansixiyaan in Ciiddamo loo diro xeebaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan isla markaana loo fuliyo heshiiskii difaac ee  labada dhinac dhex maray.

Sidoo kale Maraakiibta dalka Turkiga ayaa lagu soo warramayaa in ay u soo shiraacdeen Xeebaha Soomaaliya waxaana qayb ka ah Maraakiib baari doonta qaybo ka mida shidaalka Soomaaliya ku jira.

Dhowaan waxa magaalada Istaanbuul ka dhacay heshiis ay kala saxeexdeen Wasiirrada Tamarta ee Turkiga iyo Soomaaliya kaas oo dhigayey in shirkadda Turkiga ah ee TPAO ay shidaal ka baarto saddex aag oo ku yaalla Soomaaliya.

Turkigu wuxuu hore gacanta ugu hayey dekedda Muqdisho iyo garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde waxana taas hadda u raaacaysa in uu ilaalin doono Xeebaha Soomaaliya iyo weliba in uu samayn doono sahamin shidaal.

PUNTLAND POST