Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC oo ganaax ku soo rogay xisbi siyaasadeedka xukuumadda ee KAAH

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC, oo shir deg deg ah ku yeeshay xaruntiisa Garoowe ayaa ganaax ku soo rogay xisbi siyaasadeedka xukuumadda ee KAAH, kaasi oo sida guddigu sheegay xad-gudub ku sameeyay xeerarka doorashooyinka.

Guddiga PEC ayaa go’aamiyay in xisbi siyaasadeedka xukuumadda madaxweyne Deni ee KAAH uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $5000 oo dollar, taasi oo uu ku shubayo akoonka guddiga mudda 24 saac gudahood ah, maadaama uu jebiyay xeerarkii iyo habraacyadii ololaha doorashada saddexda degmo.

Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa sidoo kale go’aamiyay in xisbi siyaasadeedka xukuumadda Puntland ee KAAH uusan ololaha doorashada ka samayn karin degaannada kala ah; Baqbaq, Uusgure, Ilma-adeer, Xaliima-dheer, Baarweyn, Budunbuto, Rabaable, Birtadheer, Kalabayr iyo Dalsan oo dhammaantood ka tirsan degmooyinka Garoowe iyo Dangoroyo.

Guddiga ayaa sheegay in xisbi siyaasadeedka KAAH oo jebiyay habraaca ololaha doorashada uu si nidaamka ka baxsan olole doorasho uga sameeyay degaannada kor ku xusan, sidaasi darteedna lagu ganaaxay in aysan mar danbe wax olole doorasho ah ka samayn karin degaannadaasi.

Halkaan ka daawo go’aanka guddiga PEC

PUNTLAND POST