Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Xalay yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Hindisaha Xeerka Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Golaha ayaa kulanka aan caadiga ahayn ee Xalay ku soo saaray Qaraarka Mamnuucidda ka ganacsiga Hubka iyo Saanadda Ciidanka ee loo yaqaan (Cir-toogte), iyaga oo ansixiyey Siyaasadda Iibka Hubka, Rasaasta iyo qalabka Ciidanka.

Qaraarka ayaa mamnuucaya ka ganacsiga hubka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan  in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, la isu gudbiyo ama la daabulo hubka iyo saanadda ciidanka.

Sidoo kale, Siyaasadda libka Hubka iyo Rasaasta ee Golaha Wasiirradu ansixiyeen waxa ay qayb ka tahay dadaallada dowladda federaalka ugu jirto dejinta shuruuc, siyaasado iyo nidaamyo adag oo lagu xakameynayo hubka sida sharci darrada ah ku soo gala dalka, kaddib qaadista cuna qabataynta hubka.

Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada ay Xalay yeesheen lagu ansixiyey Heshiiska Difaaca  ee ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Masar.

PUNTLAND POST