Muqdisho: Xildhibaannada Beesha Direed oo shir ka yeeshay tuhun la xiriira magacaabista Ra’iisul wasaare ku xigeen labaad

In ka badan 50 Xildhibaan oo ay weheliyaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS, Guddoomiye Ku xigeenka labaad Golaha Shacabka iyo Wasiiro ayaa goordhow shir ugu soo xirmay Hotel Gobsoor.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayay aragtida Beesha Direed ee dheeliga awood qeybsiga dalka iyo tuhunno la xiriira in kuraasta qaar ka mid ah beelaha Direed la siiyo reero kale.

Mas’uuliyiintan ayaa si weyn cabasho uga muujiyay tuhunno soo xoogeysanaya oo sheegaya in la sameyn doono Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad oo ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.

Dhinaca kale Xildhibaannada Beesha Direed ayaa ku sugan Hoolka Shirarka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ay u muuqdaan kuwa raadinaya in ay baajiyaan shirka loo balansan yahay ee Golaha Wasiirada ee Caawa qabsoomi lahaa.

PUNTLAND POST