Liiska musharaxiinta golayaasha deegaanka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan

Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa shaaciyay liiska musharaxiinta doorashada golayaasha deegaanka saddexda degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan, ee ururada siyaasadda ku tartamaya doorashooyinka qof iyo cod, ee loo asteeyay 23-ka July 2024.

Wadarta guud ee musharaxiinta saddexda degmo ayaa ah 431 musharax, kuwaas oo 332 ka mid ah (77%) rag yihiin, halka 99 (23%) kale dumar yihiin, waxaana doorashada codeyn doona dad ka badan 63 kun oo qof.

Liiska musharaxiinta iyo xogta doorashada

PUNTLAND POST