Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Masagawaa ee gobalka Galgaduud ayaa saaka toogtay nin lagu sheegay in uu ka tirsanaa Al-shabaab oo ku hubeysnaa qoriga AK-47 ah, kaas oo lagu qabtay koontaroolka magaaladaas.
Dhinaca kale ciidamada ayaa deegaanka Xuseen Cagey ku qabtay 3 gaari oo ah nooca Soomaalidu u taqaano Layla Calaawi, kuwaas oo saraakiisha ciidamada sheegeen in ay wadeen shidaal iyo dumar u socday Al-shabaab.
Saraakiisha ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalka, inta ay Al-shabaab laga sifaynayo aagga deegaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud.
Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxdaas.



PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.