
Dowladda Pakistan ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ka dib weerar ay dhowaan kooxo xagjir ahi ay ku qaadeen xero ciidan oo ku taal waqooyiga galbeed ee dalkaasi.
Weerarkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 8 askari, halka ay tiro kalena ku dhaawacantay sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Amniga dowladda Pakistan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in ay u yeertay safiir ku xigeenkaAfqaanistaan ee magaalada Islamabad si ay u gaarsiiso qoraal diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo ku saabsan weerarkii ka dhacay magaalada Garrison ee ku taalla Bannu.
Bayaanka ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Taliban in ay si buuxda oo degdeg ah u baadhaan, isla markaana ay tallaabo adag oo wax ku ool ah ka qaadaan cidii ka dambaysay weerarkaasi.
Milatariga Pakistan ayaa sheegay in 10 nin oo aad u hubeysan in ay fuliyeen weerarka Bannu, dhamaantoodna lagu dilay dagaal saacado qaatay oo dhexmaray ciidamada ammaanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.