
Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa xalay soo saaray digniin ku saabsan arrimaha ka reebban xisbiyada siyaasadda Puntland ee u tartamaya doorashada saddexda degmo ee gobolka Nugaal.
Qoraal ka soo baxay guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa lagu sheegay in Xisbi kasta oo u tartamaya doorashada ay ka reebban tahay in uu hantida dowladda u isticmaalo danihiisa gaarka
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xisbi kasta ay ka reebban tahay in uu adeegsado koox ama ciidan hubaysan oo uu ku fushado danihiisa doorashada
Islamarkaana uu ku xadgudbo jadwalka ololaha doorashada.
Guddiga PEC ayaa sidoo kale sheegay xisbi iyo musharax kasta ay ka reebban tahay uu ku kaco fal ka hor imanaya xeerarka iyo habraacyada doorashada goleyaasha degaanka.
“Hadaba, Xisbigii ama Musharaxii u hoggaansami waaya xeerarka iyo Habraacyada Doorashada kuna xadgudba awaamiirta kore waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqasan” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga PEC.
Halkaan ka akhriso qoraalka guddiga

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.