Golaha Amniga Qaranka oo soo saaray awaamiir ku saabsan xakamaynta hubka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo uu yeeshay Golaha Amniga Qaranka, maanta oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Luulyo 2024.

Kulanka ayaa qodobaddii looga hadlay waxaa ka mid ah dhacdadii hubka sharci darada ahaa ee sida dhumaaleysiga ah lagu soo galiyey deegaanno ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug.

Intii uu socday shirka, waxaa warbixinno laga dhageystay hay’adaha amniga iyo La-Taliyaha Amniga Qaranka oo soo bandhigay dhacdadan, iyadoo Goluhu uu isku raacay go’aamadan;

1. Goluhu wuxuu adkeeyay in Waaxda Kormeerka Hubka iyo Rasaasta (CMD) ee Xafiiska Amniga Qaranka oo horey ugu soo baxday (Digreeto Madaxweyne.142) ay sii waddo isla markaasna ay xoojiso korjoogteynta iyo la socodka maaraynta hubka iyo rasaasta.

2. Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa la faray in ay soo gudbiso warbixin faahfaahsan iyo talooyin ku aaddan dhacdada hubka sharci darada ah ee dhuumaaleysiga lagu soo galiyey dalka, lagulana xisaabtamo cidda ka dambeysa, isla markaana laga hortago dhacdooyinka noocan ah inay dhacaan mustaqbalka.

3. Goluhu wuxuu isku raacay dhammeystirka siyaasadda Qaran ee Iibka Hubka, degdegna loo horgeeyo Golaha Wasiirrada.

4. Goluhu wuxuu sidoo kale isku raacay mamnuucidda iibinta iyo ka ganacsiga hubka.

5. Wasaaradda Caddaaladda iyo hay’adaha fulinta sharciga waxaa lagu adkeeyey in si degdeg ah maxkamad loo soo taago dhammaan dadka ku lugta leh hawshan sharci-darrada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si adag loo hirgeliyo shuruucda Xakameynta Hubka iyo Rasaasta. Wuxuu adkeeyay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay aasaas u tahay hirgelinta siyaasadda dowladda ee xakameynta hubka.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay R/Wasaaraha Xukumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, R/wasaare Kuxigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xassan Macalin Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Wasiirka Gashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Maaliyadda Biixi Mudane Iimaan Cige, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janaraal Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Asluubta Janaraal Mahad Cabdiraxmaan, La-Taliyaha Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macalin iyo Agaasimaha Madaxtooyada JFS Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf.

PUNTLAND POST