Israa’iil oo duqayn ku dishay in ka badan 60 Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur

In ka badan 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur yar yar ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay, duqeyn ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen koofurta iyo bartamaha Gaza.

Meelaha ay ciidanka Israa’iil gantaallada ku garaaceen ayaa waxaa ka mid aheyd goobo ay Israa’iil u asteysay dhul zoon nabad ah oo ay dadka barakaca ah ku nabad-gali karaan.

Duqeynti ugu dhimashada badneyd ayaa Talaadadi shalay ka dhacday waddada weyn ee dhaxda ka marta suuqa magaalada Khan Younis, gaar ahaan xaafadda Muwasi.

Saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka Al Aqsa ayaa sheegay, degmada Deyral-balax in dadka la dilay ay ku jireen 10 haween ah iyo afar carruur ah.

Israa’il ayaa maalmihi lasoo dhaafay sare u qaadday weerarada cirka ah oo ay ku beegsaneyso xaafadaha dadka rayidka ah. Milatariga Israa’il ayaa sheegay in ay ku daba-jiraan saraakiisha Xamaas.

PUNTLAND POST