Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo saaka ka taagan degmada Caabudwaaq

Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan ayaa weli saaka laga dareemaya magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Xiisadda ayaa timid kadib markii shalay dad hubaysan oo ka soo jeeda degmadaasi ay qabsadeen gaadiid hub siday oo ka yimid dhinaca Itoobiya.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo maleeshiyaad hubaysan oo ka soo jeeda Caabudwaaq ayaa iska hor-imaad khasaare dhaliyay dhexmaray ka hor inta aysan qabsan hubkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadkii shalay uu sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinacba ah balse tiro sugan lama sheegin weli.

Dhaqdhaaqyo iska soo horjeeda ayaa saaka laga soo warinayaa Caabudwaaq kuwaas oo kala ah in ciidanka dowladda oo doonaya in ay hubkii dib u qabsadaan iyo dadka degaanka oo difaacaya hubkaasi.

PUNTLAND POST