Shan ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab oo lagu toogtay magaalada Kismaayo

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ku eedaysnaa in aybka tirsan yihiim maleeshiyaadka Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in raggaasi horay magaalada Kismaayo uga gaystay dilal kala duwan xili ay qeyb ka ahaayeen waxa Khawaarijta ay ugu yeeraan madax jabiska.

Gacan kudhiiglayaasha saaka la tooktay ayaa kala ahaa Maxamed Cabdullaahi Abuukar Deerow, Cismaan Maxamed Mursal oo horay u dilay AUN marxuum Sheekh Cumar Maxamed Daahir, halka Gacan ku dhiigle Maxamed Ibraahim Cali iyo gacan ku dhiigle Ilyaas Maxamed Xasan ay iyaguna si wadajir ah u fuliyeen dilkii ANU Marxuum Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo Ugaas Aadan Maxamed Geeddi.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/dhexe Ismaaciil Cabdi Cali oo warbaahinta faah-faahin ka siiyay xukunka dilka ah ee lagu fuliyay gacan ku dhiiglayaasha saaka la tooktay ayaa sheegay in cid kasta oo macna darro ku disha qof kale caddaaladda la hor geyn doono.

PUNTLAND POST