Paul Kagame oo mar kale ku guulaystay Madaxweynaha dalka Rwanda

Guddiga doorashada Rwanda ayaa shaaciyay in doorashadi madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday uu mar kale ku guuleystay madaxweyne Paul Kagame.

Guush Kagame oo aheyd mid la filayay, ayay guddiga doorashada Rwanda sheegeen, in 99% codadka la tiriyay uu helay madaxweyne Paul Kagame oo xilkaasi hayay tan iyo sannadkii 2000.

Labadi murashax ee Kagame kula tartantay doorashadi shalay oo kala ah— Frank Habineza oo ka socday xisbiga Democratic Green Party iyo Philippe Mpayimana oo ahaa murashax si iskiis ah isu matalayay, ayaa labuda helay wax ka yar 1% codadki la dhiibtay.

Natiijadan ayaa la mid ah tii kasoo baxday doorashadi madaxtinimada Rwanda ee sannadki 2017-ki, markaas oo uu Kagame ku guuleystay ku dhawaad 99% codadki ay dhiibteen shacabka dalkiisa.

Natiijada rasmiga ah ee doorashadan ayaa lagu dhawaaqi doonaa 27-ka bishan July waxaana Paul Kagame mar kale loo caleema-saari doono madaxweynaha dalka Rwanda.

PUNTLAND POST