Musharrax Madaxweyne Trump oo soo bandhigay cidda u noqonaysa Madaxweyne ku xigeen

Musharrax Madaxweyne Trump ayaa sida la sugayay wuxuu soo bandhigay cidda Madaxweyne ku-xigeen u noqon doonta haddii uu doorashada November ku guuleysto.

Waxaa jirtay in dhawr xubnood oo ay madow ku jireen loo saadaalinayay jagadaasi, balse wuxuu magacaabay inuu xilka Madaxweyne ku-xigeenka uu qabanayo JD Vance oo ah senator laga soo doorto gobolka Ohio.

Vance, waa 39 jir ah, wuxuu mar ka mid ahaa dadka sida aadka ah u dhaliila Trump. Sannadki 2016-kii markii uu Trump u tartamayay doorashadii uu ku guuleystay, wuxuu Vance ka mid ahaa dadkii aadka u diiddanaa, hase yeeshee wixii markaa ka dambeeyay wuxuu ka mid noqday difaacayaasha daacadda u ah Trump.

Waxyar kaddib markii uu Trump ku dhawaaqay in DJ Vance uu u magacaabay madaxweyne ku xigeenkiisa tartanka doorashada, ayuu Vance kasoo dhex muuqday xarunta uu ka lagu qabtay shirweynaha xisbiga Jamhuuriga oo ka dhacay magaalada Milwaukee, isaga iyo xaaskiisa Usha oo ah ah gabar asal ahaan kasoo jeeda Hindiya.

Vance, wuxuu ku dhashay kuna koray magaalada Middletown ee gobolka Ohio. Wuxuu ka mid noqday ciidanka badda Mareykanka, isaga oo kasoo dagaallamay dalka Ciraq.Wuxuu markii dambe wax ka bartay jaamacadaha Ohio State iyo Yale, ka hor inta uusan galin siyaasadda sannadkii 2020-kii.

PUNTLAND POST