Galmudug oo war ka soo saartay Hubkii lagu qabtay degmada Caabudwaaq

Maamul goboleedka Galmudug ayaa soo saaray war saxaafadeed ku saabsan shaqaaqada ka dhalatay hubkii lagu qabtay shalay degmada Caabudwaaq.

War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug ayey ku sheegtay inay si dhow ula socotay dhaq-dhaqaaqa hubkaasi laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya.

Hay’adaha Amniga oo ku dabajoogay ayaa isku dayey in ay gacanta ku dhigaan hubka, si looga hortago halista amni iyo xasilooni darrida uu hubkaasi abuuri karo, ayay qoraalka ku sheegtay wasaaraddu.

“Dowladda Galmudug waxey baaritaan ku haysay cidda ka danbaysay falkaas argagaxa leh, waxaana u caddaatay in dad qowlaysato ah kuna caan baxay ka ganacsiga waxyaabaha sharci darrada ah ay ka danbeeyeen”.

“Iyadoo ujeedku ahaa in loogu adeego danahada argagaxisada , la isagana horkeeno shacabka , laguna qalqal geliyo amniga iyo xasilloonada Galmudug,” ayay wasaaadda amniga gudaha ee Galmudug ku sheegtay qoraalkeeda.

PUNTLAND POST