Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay Hawlgal ciidan ku soo celinayso Hubkii gacanta u galay Shacabka Caabudwaaq

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hay’adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku dayada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud.

Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas, sida lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Ka ganacsiga hubka sharcidarada ahi waxa ay fursad u tahay Kooxaha Khawaarijta ah
sidaas oo kale waxa ay qayb wayn ku leedahay hurinta colaadaha dhexmara Qabaailka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, islamarkaana ay ka go’an tahay in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dowladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah.

“Dowlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas” ayuu sii raaciyay War-murtiyeedkaasi.

PUNTLAND POST