Taliska Booliska Soomaaliya oo ka warbixiyay khasaaraha qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray khasaaraha ka dhashay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qarax uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu baakimay meheradda (TOP) oo ku taalla degmada Boondheere.

Qoraalka ka soo baxay Taliska Booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in meheradda la qarxiyay ay ku cawaynayeen dhalinyaro Soomaaliyeed waxaana Boolisku qaraxaasi ku eedeeyay kooxda Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 20 qof oo kale sida uu warbixintiisa ku sheegay Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya.

“waxaana la xaqiijiyey ilaa hada geerida 5 Qof iyo ilaa  20 qof oo Dhaawac fudud ah  . Waxaa jira Qasaare Hanti oo u badan Baabuur  ay lahaayeen Dhaliyarta Goobta ku caweynaysay” ayaa lagu yiri warbixinta Booliska.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in ay weli tira-koob ku hayaan guud ahaan khasaaraha ka dhashay qaraxa islamarkaana ay dib ka soo sheegi doonaan wixii soo kordha.

PUNTLAND POST