Paul Kagame oo la filayo in uu mar kale ku guulaysto xilka Madaxweynaha dalka Rwanda

Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ayaa maanta ka billaabatay dalka Rwanda.

Doorashada ayaa la filaya in uu si aqlabiyad leh xilka madaxweynaha ku guuleysto Paul Kagame, oo 24 sanno ee u dambeysay xilkaasi hayay.

Kagame, ayaa doorasho kasta ku guuleysanayay tan iyo markii uu madaxweyne noqday 2000, isaga oo helayay in ka badan 90% codadka.

Sannadkii 2017 waxa uu ku guulaystay 99%. Kagame, oo 66 jir ah, ayaa wajahaya labada musharax ee kaliya oo loo oggalaaday in ay tartamaan.

Waxay musharaxiintaasi kala yihiin Frank Habineza iyo Philippe Mpayimana waxaase musharixiinta kale diiday guddiga doorashada.

PUNTLAND POST