Madaxweyne Abdel Fattah El-Sisi oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee Masar

Madaxweynaha Masar ayaa waraaqaha Safiirnimo ka gudoomay safiirka cusub ee Soomaaliya ee dalka Masar Cali Cabdi Aware.

Madaxweyne dowladda Masar Mudane Abdel Fattah El-Sisi ayaa s rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo uga guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare.

Safiirka Soomaaliya ee Masar mudane Cali Cabdi Awaare ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyay iyo sida dowladda Masar uga shaqeynayso xariirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dowladood, waxaana uu ballan qaaday in uu ka shaqeyn doono xoojinta xariirka labada dal ee arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga.

Amb, Cali Cabdi Awaare ayaa sidoo kale Madaxweynaha waddanka Masar Cabdifitah Sisi gaarsiiyey dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND POST