Israa’iil oo duqaymo khasaare xooggan sababay ka fulisay marinka QASA

Israa’iil ayaa duulaan aad u darran 24 saac ee la soo dhaafay ku qaaday Qasa, iyadoo diyaaradaha dagaalka ay bambooyin ku garaaceen guud ahaan marinka Qasa.

Mid ka mid ah weerarrada naxdinta leh wuxuu  ka dhacay aagga Khan Yonis ee koonfurta Qasa, in ka badan 100 qof ayaa ku geeriyootay 300 oo kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Halka weerar arxan-darrada ah ay maanta diyaaradaha Israa’iil ka geysteen iskuul ay Qaramada Midoobey maamusho oo ay dad rayid ah ku barakaceen, 15 qof ayaa lagu dilay 86 kalana waa lagu dhaawacay weerarkaasi.

  24 saac ayay ku qaadatay Israa’iil si arxan darro ah inay u disho in ku dhow 200 ruux , ku dhowaad shan boqol oo kalan ay ku dhaawacdo waxaana muuqaallada weerarrada laga soo bandhigay baraha bulshada.

Kaddib weerarradan naxdinta leh dalalka Carabta iyo Turkiga ayaa cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ee lagu dilay carruur iyo haweenka Falastiiniyiinta. Turkiga wuxuu dalbaday adduunka in uu saaro cadaadis dheeraad ah Israa’iil , halka Sacuudiga uu soo jeediyay in ay lagama maarman tahay in la joojiyo Israa’iil.

PUNTLAND POST