Warbixin: Gudniinka gabdhaha oo sababa dhiig furan iyo dhalmo la’aan

Gudniinka gabdhaha waa jarjarid iyo dhaawac loo geysto xubinta Taranka Gabadha, taasi sababta dhiig-bax daran iyo dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.

Gudniinka gabdhaha waxa sidoo kale ka dhasha dhibaatooyin caafimaad oo saamayn ba’an ku yeesha jirka iyo maskaxda gabadha lagu sameeyo gudniinka, sida aan ka xigannay Drs. Sahra Maxamed Jaamac oo ah dhaqtarad qaabilsan cudurrada Haweenka.

” Gudniinka waxa uu gabdhaha ku sababaa dhiig-bax daran, caabuq, nabarro ama burooyin ku dhasha xubinta taranka oo sababi kara xanuunada halista ah iyo xanuunno yimaada xilliyada caadada iyo dhalmada” ayay tiri Drs. Sahra Maxamed Jaamac.

“Gudniinka gabdhaha waxa uu sidoo kale sababaa kaadi baxsi, dhiig-furan joogta ah, infekshin raaga, dhabar xanuun daashada, iyo dhalmo la’aan” ayay sii raacisay Sahra Maxamed Jaamac oo qaabilsan cudurrada Haweenka.

Dhaqtaradda ayaa sidoo kale sheegtay in au jiraan xanuunno maskaxda ah oo ka dhasha gudniinka gabdhaha, kuwaasi oo ay u horreeyaan qalbi jab, isku buuq, walaac iyo cabsi nololeed oo shook nafsi ah ku abuurta gabadha lagu sameeyo gudniinka.

Mid kamid ah haweenka lagu sameeyay gudniinka ee ka dhaxlay dhibaatooyinka caafimaad ee saamaynta ku yeeshay noloshooda ayaa iyana nala wadaagtay”gudniinka waxaan ka dhaxlay dhibaatooyin nololeed oo aan weli iga harin. Maalmihii ugu horreeyay ee laygu sameeyay wan dhiig-baxay ilaa aan ku sigtay geeri, kadibna wuxu igu reebay xanuuno aan harin” ayay tiri *salaado* (maaha magaceeda saxda ah”.

Dhinaca kale, Ifraax Cabdinuur Faarax oo u ololaysa joojinta gudniinka gabdhaha, islamarkaana baaris ku samaysay dhibaatooyinkiisa ayaa sheegtay in gudniinka uu jir ahaan iyo maskax ahaanba u waxyeelleeyo gabdhaha lagu sameeyo.

“Jir ahaan iyo maskax ahaanba dhibaatooyinka uu gabdhaha u geysto gudniinka waa kuwa daran, waxaana kamid ah dhiig-baxa oo sababi kara dhimasho, burooyin ku dhasha xubinta taranka, shook iyo argagax ku dhaca gabadha lagu sameeyo iyo xanuuno kale” ayay tiri Ifraax Cabdinuur.

Waxay sidoo kale ku baaqday in la ballaariyo wacyi-gelinta bulshada ee ku saabsan joojinta gudniinkaasi si loo ilaaliyo caafimaadka gabdhaha jir ahaan iyo maskax ahaanba.

Ifraax Cabdinuur waxay sidoo kale ku baaqday in deg deg ah loo meel-mariyo xeerka joojinta gudniinka gabdhaha oo ay hore u ansixiyeen golaha xukuumadda Puntland balse hadda horyaalla Baarlamanka oo uusan weli ka gudbin si uu dhaqangal u noqdo.

“Waa in degdeg lagu meel-mariyo xeerka gudniinka gabdhaha oo badbaado u ah caafimaadka iyo nolosha gabdhaha. Xeerkani waa ka soo gudbay xukuumadda, laakiin waxa uu weli horyaalla Baarlamanka oo ay tahay in ay meel-mariyaan” ayay tiri Ifraax Cabdinuur.

10 June 2021, golaha xukuumadda Puntland ayaa ansixiyay xeerka lagu mamnuucay gudniinka gabdhaha, waxaana xeerka soo dhoweeyay qaybaha bulshada Puntland oo ay u horreeyaan ururada Haweenka iyo bulshada Rayidka ah.

Sidoo kale shirar kala duwan oo lagu taageerayo xeerka joojinta gudniinka gabdhaha ayaa lagu qabtay Puntland, islamarkaana looga codsaday in ay ansixiyaan Baarlamanka oo uu horyaal xeerkaas si uu dhaqangal u noqdo.

PUNTLAND POST