Soomaaliya iyo Talyaaniga oo shir ka yeeshay Khatarta Maaraynta Musiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo oo hal toddobaad ah ku tegay xarunta hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga (Italian Civil Protection Department).

Wefdigu guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA waxay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hay’adda oo kala ah heer qaran, heer gobol iyo heer degmo.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta maareeynta khataraha musiibooyinka.

Waxaa booqashadaas Gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo Hay’adda SoDMA.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay dardar geliyaan fulinta qorshe wax ku ool ah oo la isaga kaashanayo dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.

PUNTLAND POST