Qarax xooggan oo goor dhaweyd ka dhacay magaalada Muqdisho

Faahfaahin kooban ayaa ka soo baxaysa khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goor dhaweyd ka dhacay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay Maqaayad ku taalla agagaarka Taalada Daljirka Dahsoon dhanka Isgoyska Jubba taasi oo lagu magacaabo Top Coffee oo dhawaan un halkaas laga furay.

Ilaa iyo hadda ma cadda nooca qaraxa ee dhacay balse waxaa la maqlay jugta qaraxa xilli halkaas ay dad badan ku sugnaayeen.

Maqaayadda oo ah goob lagu caweeyo ayaa waxaa lagu daawanayey xilliga uu qaraxu dhacay ciyaarta kama dambeysta koobka qaramada Yurub ee dhexmaraysa xulalka England iyo Spain.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh iyo burbur hantiyeed ayaa la soo sheegaya in uu ka dhashay qaraxa balse weli xog sugan lagama helin inta uu le’eg yahay khasaaraha dhacay.

PUNTLAND POST