Qaramada Midoobey oo sannadkan Puntland u qoondaysay $120 milyan

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa sannadkan miisaaniyad dhan $120 milyan u qoondeeyay arrimaha gargaarka iyo horumarinta degaannada Puntland.

Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa sheegay in miisaaniyad dhan $120 milyan sannadkan loo qoondeeyay arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta Puntland.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa lagu sheegay in barnaamijkaasi ay hoggaaminayaan 14 hay’adood oo ka tirsan Qaramada Midoobey, kuwaasi oo ka hawlgala Puntland.

Miisaaniyaddan ayaa loo qorsheeyay hawlaha bini’aadamnimada, horumarinta, nabad-dhisidda, dib-u-habeynta waaxda amniga iyo dimuqraadiyeynta, sida uu tilmaamay qoraalka ka soo baxay xafiiska UNSOM.

Qoraalka ayaa sidoo kale looga warbixiyay kulankii shalay Garoowe ku dhexmaray madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

“Qaramada Midoobey waxaa ka go’an in ay si dhow ula shaqeyso Madaxweyne Deni iyo dowladdiisa si ay gacan uga geysato horumar-gaarsiinta dadka reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya” ayuu qoraalku ka soo xigtay James Swan.

PUNTLAND POST