FBI-da Mareykanka oo shaacisay xogta ninka looga shakisan yahay weerarkii Donald Trump

FBI-da Mareykanka ayaa maanta sheegtay Matthew Crooks oo 20 jir ah inuu yahay qofka looga shakisan yahay isku daygii dil ee lala beegsaday madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Hay’adda ayaa war-saxaafadeed kooban ku sheegtay in Crooks uu ka yimid magaalada Bethel Park ee gobolka Pennsylvania, taasi oo hal saac u jirta goobta uu isu soo baxa siyaasadeed uu ka dhacayey ee Trump looga toogtay dhegta isaga oo khudbad jeedinaya.

Bayaanka laguma bixin faah-faahin intaas dheer oo ku saabsan Crooks, kaasi oo goobjoogeyaal ay sheegeen inuu rasaasta ka soo furay saqafka meel u dhow goobta isu soo baxa, kahor inta aysan toogan ciidamada amniga.

FBI-da ayaa sheegtay inuu jiro baaritaan taagan oo socda oo lagu sameynayo falkan, ayada oo codsatay in qof kasta oo akhbaar haya uu si degd eg ah ula soo xiriiro mas’uuliyiinta.

Ugu yaraan hal qof oo ka mid ah dadkii daawanayey Trump ayaa la dilay halka laba kale si darran loogu dhaawacay toogashada oo ka dhacday meel banaan ah oo ku taalla magaalada Butler.

PUNTLAND POST