Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo ka warbixiyay iska hor-imaad ka dhacay xabsiga dhexe ee Muqdisho

Taliska Asluubka Soomaaliya , ayaa sheegay in la fashiliyay iskuday ay ku doonayeen maxaabiis ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho, in ay ku baxsadaan.

Taliska Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in isku dayga uu timid kaddib markii Maxaabiis ka mid ah kuwa ku jira Xabsiga ay heleen qoryaha AK47 islamarkaana la dagaallameen ilaalada xabsiga dhexe.

Maxaabiista isku dayga baxsi sameeyay ayuu Taliska ciidanka Asluubtu ku sheegay kuwa ku eedaysnaa argagixiso oo ku xukunaa dil toogasho ah.

Taliska Asluubta Soomaaliyeed ayaa sidoo kale soo bandhigay meydadka qaar kamid ah maxaabiistii isku dayay in ay baxsadaan oo ku dhintay iska hor-imaadkii dhexmaray iyaga iyo ciidanka.

Illaa hadda ma cadda habka uu gacantooda ku galay hubka iyo bambooyinka ay adeegsanayeen maxaabiista waxaan sidoo kale weli la helin sharraxaad ku saabsan cidda u fududaysay arrintaasi.

PUNTLAND POST