
Is rasaaseyn xooggan ayaa lagu soo warramaya in ay saaka ka dhacday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho.
Is rasaaseynta ayaa timid kaddib markii Maxaabiis ka mid ah kuwa ku jira Xabsiga ay heleen hub iyo bambooyin si qarsoodi ah loogu geeyay islamarkaana ay la dagaalameen Ciidanka ilaalada xabsiga.
Wararka ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shaqaaqada ka dhacday gudaha xabsiga dhexe, waxaana la soo warrinayaa in xaaladda ay hadda tahay mid degan.
Waa markii labaad oo xabsiga dhexe iska hor imaad uu ka dhaco, sanadkii 2020 ayay aheyd markii sidan oo kale maxaabiis ku jiray Xabsiga oo hub loogu qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen xabsiga gudihiisa.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.