
Maxkamad ku taalla Iran ayaa ku amartay Mareykanka inuu bixiyo ku dhawaad 6.8 bilyan oo dollar oo ah magdhowga saameynta ay cunaqabateynta Washington ku yeelatay bukaannada qaba cudurrada maqaarka ee dhifka ah.
Tallaabooyinka Washington “waxay bukaannadan u diideen dawooyin iyo boomaato, taasi oo keentay “dhimashada ilaa 20 qof,”, ayuu lagu qoray website-ka waaxda garsoorka Iran ee Mizan Online.
Maxkamadeynta ayaa billaabatay November 2021, markii 295 dacwoodeyaal, oo ay ku jiraan bukaanno, ay 30 sarkaal oo Mareykan ah maxkamadda ku dacweeyeen ayaga oo ku eedeeyey inay ka qaybqaateen soo-rogista cunaqabateynta”.
Waxay gudbiyeen kiiska ka dib markii khubaro madax-bannaan oo Qaramada Midoobay ah ay bishii October 2021 tusaale ugu soo qaateen saameynta tallaabooyinka Mareykanka ay ku yeesheen bukaannada cudurka maqaarka ee epidermolysis bullosa.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii 2018 si keligiis ah Mareykanka uga saaray heshiiskii Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwado badan oo caalami ah. Waxa uu dib u soo rogay cunaqabatayn dhaqaale oo lagu qaaday heshiiska.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.