In ka badan 60 mayd oo laga helay xaafado ka tirsan Gaza kadib markii ay ka baxeen millitariga Israa’iil

Ciidamada Israa’iil ayaa xalay dib uga baxay qeybo ka mid ah magaalada Gaza, kaddib mudda todobaad ah oo ay duqeymo ba’ani ku hayeen isla markaana meelaha qaar ay kala kulmayeen iska-caabin culus oo kaga imaneysay Xamaas.

Sida ay sheegeen goob joogayaasha iyo kooxaha gurmadka deg degga ah, ciidamada Isra’il ayaa kaga tagay xaafadihi ay xalay ka baxeen ee Gaza, meydadka tobnaan qof, burbur xoog leh oo soo gaaray dhismayaal tira badan iyo waddooyinki muhim u ahaa magaalada.

Adeegga Gurmadka Rayidka ah ee Gaza ayaa sheegay in ay xaafadaha Tel Al-xawaa iyo Sabta ee magaalada Gaza ay kasoo ururiyeen, meydadka ku dhawaad 60 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay dileen ciidamada Israa’iil usbuucii la soo dhaafay.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in ay heleen hub iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo ay sheegeen in ay Xamaas ku hesyteen xarunta hey’adda Qaramada Midoobay ee Falastiin ee UNRWA. Waxay kaloo sheegeen in ay aaggaasi ka daad gureeyeen rayidka ka hor inta aysan weerarin.

PUNTLAND POST