Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dagaal xoog badan ku qaaday Kalluumeysiga sharci-darrada ah

Wasiirka Kalluumeysiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Xasan Aadan oo wareysi kooban bixiyay ayaa sheegay in ay dagaal xoog badan ku qaadeen kalluumeysiga sharci-darrada ah ee xeebaha Soomaaliya.

“Maaddaama ciidankeenu Badda uusan jirin ama awood badan uusan horey u lahayn, dalkana soo korayay, waxaa iska dayacnaa runtii Baddeenu oo aad u balaaran,marka waxaa batay dad badan oo si sharci daro ah uga kalluumeysto”.

“Waayahan dambe waxaan ku qaadnay dagaal xoog badan mid sharci oo aan dacweyneyno dadka ku lug leh waxaa, dignoono oo aynu soo saarnay iyo dowladda Soomaaliya oo awood u yeelatay Tiknooloji ahaan in ay Badda ilaaliso oo aan ogaan karno maraakiibta Baddeenu soo marto nooca ay yihiin, meesha laga leeyahay, inta ay yihiin iyo meesha ay u socdaan”.

“Taasi waxay sahashay in cidii aan ku dhaho markabkaada Baddeenu ayuu ku jiraa haddii aysan noo bareerin kala baxdo ama ay sharci na weydiistaan ama aan ku dacweyno oo ay ciqaab iyo cambaareyn kala kulanto, marka hadda Dowladda waxay awood u leedahay in ay koontaroosho Baddeeda” ayuu yiri wasiir Axmed Xasan Aadan.

“Dowlado badan ayaan badeenna ka saarnay qaarna hadda ayaan ku tala jirnaa maadaama ay ku xad gudbeen nidaamka kalluumeysiga badaha waxaase jira kuwa ka dhega-adaygay oo weli ka kalluumeysta baddeena waxaana socda tallaabadii looga saari lahaa” ayuu sii raaciyay Wasiirka.

PUNTLAND POST