Dowladda Masar oo sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Masar Badr Abdelatty iyo wefdi uu hoggaaminayay ayaa Jimcihii safar kooban ku tegey magaalada Muqdisho, isaga oo la socday duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypt Air.

Wasiir Badr Abdelatty oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Masar si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Masar waxay aad u daneyneysaa midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxayna taageereysaa dadaallada ay dowladda Soomaaliya kaga hortageyso isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo madax-bannaanideeda” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar.

Mudane Badr Abdelatty ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in labada dal ee Soomaaliya iyo Masar ay si wada jir ah uga wada tashadaan caqabadaha ka jira gobolka waxaana uu ku baaqay in la ixtiraamo mabaadi’da deris wanaaga.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Masar waxa uu Muqdisho kaga qayb galay munaasabadda xarigga looga jarayay duulimaadkii u horreeyay ee diyaaradda Egypr Air ee Muqdisho oo Jimcihii la daah-furay.

PUNTLAND POST