Xiisad ka taagan gobol ka tirsan dalka Niger

Mas’uuliyiinta dalka Niger ayaa ku dhawaaqay Bandow lagu soo rogay gobolka Tillaberi oo ah mid ay ka jirto xaalad kacsanaan ah kadib markii maxaabiis dhowr ah ay ka baxsadeen xabsi ay ku xirnaayeen dad badan oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ah.

Dhacdadan ayaa Khamiistii ka dhacday xabsiga Koutoukale oo ku yaal meel 50 kilomitir waqooyi galbeed ka xigta caasimadda Niamey, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Labo isku day oo kale oo lagu doonayay in xabsi looga baxsado 2016 iyo 2019 ayaa waxaa fashiliyay saraakiisha ammaanka.

Ciidamada qalabka sida ee dalka Niger ayaa waxaa ka awood batay weerarada kooxaha jihaad-doonka ah ee galbeedka si ay u difaacaan maamulkii militariga ee xukunka kula wareegay afgambi sanadkii hore.

PUNTLAND POST