
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo maalmahaan ku sugnaa degmada Luuq ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan xal u helidda dagaal beeleedkii ka dhacay degmadaasi.
Warsaxaafadeedkan ayaa dhigaya in loo hoggaansamo xabad joojin shuruud la’aan ah iyo in la badbaadiyo hantida shacabkii barakacay,in laga wada qeybqaato nabadda , in dadku ay ku soo laabtaan guryahooda iyo in loo diyaargaroobo wadaxaajood ay ka qeybgalaan dhinacyadii dagaalamay
Mas’uuliyiinta ka qeybgalay heshiisiinta bulshada ku sugan degmada Luuq waxaa kamid ahaa Wasiir dowlaha Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cumar Maxamed iyo Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Heshiiska nabadeed ee la dhexdhigay beelihii ku dagaallamay degmada Luuq waxaa kaloo ka qeybgalay maamulka degmada Luuq iyo odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.