Madaxweyne William Ruto oo waxqabad la’aan darteed u kala diray golihii wasiirada dalka Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa kala diray golihiisa wasiirrada marka laga reebo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Musalia Mudavadi , sababo la xiriira inuu ku eedeyay wax qabad la’aan.

Go’aanka ayaa soo baxay kadib bannaanbaxyadii toddobaadyada socday ee halista geliyay xasilloonida Kenya waxaana sidoo kale uu madaxweyne Ruto uu shaqada ka saaray Xeer Ilaaliyihiu guud.

Wuxuu sheegay in go’aankan uu qaatay ka dib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024 iyo ka dib markii la tix-geliyay codsiga Kenyaanka, iyo qiimeeyntii golaha wasiirada.

“Markii aan dib u milicsaday oo aan si qoto dheer u dhegaystay hadalka shacabka Kenya, qiimayn buuxdana ku sameeyay wax-qabadkii golahayga wasiirrada iyo waxyaabihii u qabsoomay iyo caqabadaha horyaalla, ayaan maanta aniga oo ka duulaya awoodaha la ii dhiibay go’aansaday in aan si degdeg ah xilka uga qaado dhammaan Golaha Wasiirrada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud.”
ayuu yiri Ruto.

PUNTLAND POST