Israa’iil oo ku amartay Falastiiniyiinta in ay guud ahaan isaga baxaan magaalada Gaza

Millatariga Israa’iil ayaa ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza in ay isaga baxaan, isla markaana u barakacaan dhinaca waqooyi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay, in warqado ay hawada kasoo daadiyeen, ay Isra’il ugu sheegtay dadka ku nool magaalada Gaza, in ay ka baxaan oo ay maraan laba dariiq oo ay ku sheegeen in ay nabad yihiin.

Afhayeenka Qaramada Midoobey Stephane Dujarric, ayaa amarka daad-gureynta Israa’iil ee guud ahaan magaalada Gaza ku tilmaamay mid keenaya “dhibaato weyn”.

Duqeymo aanan loo meel dayin oo ay ciidamada Israa’iil saddexdi maalmood ee lasoo dhaafay ku garaacayeen xaafado ka mid ah waqooyiga, iyo koofurta Gaza ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen in tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur lagu dilay.

Tan iyo bishi October, saraakiisha Falastiniyiinta ayaa sheegay in Israa’iil ay Gaza ku dishay in ka badan 38,000 oo Falastiinyiiin ah oo u badan dumar iyo carruur.

PUNTLAND POST