Is-baheysiga NATO oo diyaaradaha F-16 siinaya dalka Ukraine

Is-baheysiga NATO ayaa sheegay in ay billaabeen inay diyaaradaha F-16 ku wareejiyaan Ukraine si ay gacan uga geystaan ​​xoojinta difaacooda ka dhanka ah duulaanka Ruushka.

Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay iyadoo 32-ka waddan ee xubnaha ka ah isbahaysiga militariga ay ku kulmayaan Mareykanka si ay u xusaan 75 sanno-guurrada markii la aasaasay.

Xog-hayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg ayaa sheegay haddii ay NATO doonayso inay u dagaallanto xorriyada iyo dimuquraadiyada inay taa ku muujin karaan Ukraine, isagoo ka hadlay arrimaha kale ee la filayo dalalka NATO inay ku heshiiyaan , si ay sare ugu qaadaan taageerradooda militari ee Ukraine.

Wuxuu sheegay in la samaynayo xarun taliska NATO oo loogu talagalay bixinta kaalmada amniga iyo tababarka Ukraine, xarunteeduna tahay Jarmalka,laakiin leh xarumaha saadka oo ku yaalla dalalka Bariga Yurub iyo in ay Ukraine siinayaan nidaamyada diyaaradaha F-16

Sidoo kale wuxu sheegay in la dejinayo heshiisyo amni oo laba geesood ah oo u dhexeeya xubnaha NATO iyo Ukraine islamarkaana la samaynayo xarun tababbarka wadajirka ah ee Poland si loo dammaanad qaado xirmo gargaar oo dhameystiran.

PUNTLAND POST