
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan kuwa Macawisleey ayaa saaka Al-shabaab kala wareegay degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.
Ciidamada dowladda iyo Macawisleeyda degaanka ayaa si buuxda ula wareegay degaannada Buurweyn iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degaankaasi.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur dheere) ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya u sheegay im ciidamadu Al-shabaab ka qabsadeen degaannada Buurweyn iyo Show.
Labada degaan ee Buurweyn iyo Show ee laga saaray maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.