Madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo shir la yeeshay odayaaha dhaqanka degmada Luuq

Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa shirar hor dhac u ah nabadaynta beelihii dirirtu dhexmartay waxa ay la qaateen odayaaha dhaqanka degmada Luuq .

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamud Sayid Aadan waxa kulanka ku weheliya wasiiru Dowlaha Wasarada Deegaanka Iyo Isbeddalka Cimillada XFS Axmed Cumar Maxamed, Wasiir ku xigeenka wasaradda shaqada iyo shaqaalaha XFS Cismaan Libaax, xildhibaanno ka kala tirsan golaha Shacabka iyo golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulanka Madaxwayne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo odayaaha dhaqanka degmada Luuq ayaa looga hadlayay sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa beelo walaalo ah oo dirir dhex martay waxa ay layeesheen odayaasha iyo waxgaradka degmada Luuq.

Shirkan oo hordhac u ah sidii loogu soo celin lahaa nabad kuwada noolaashiyaha bulshada degmada luuq ayaa waxa la isla afgartay in laga wada shaqeeyo nabadda islamarkaana lasii ambaqaado sidii loo heshiisiin lahaa beelaha dagaallamay.

PUNTLAND POST