Israa’iil oo in ka badan 30 rayid ah ku dishay Marinka Gaza

Mas’uuliyiinta Reer Falastiin ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Marinka Gaza ay ku dishay ugu yaraan 30 qof oo Falastiiniyiin ah.

Khasaaraha faraha badan ee rayidka ayaa dhacay kaddib marki la duqeeyay guryo horay iskuul u ahaa jiray oo ay qoysas Falastiiniyiin ah gabbaad ka dhiganayeen.

Xamas ayaa ka digtay in ay taasi halis gelin karto wadahadalada xabad joojinta.
Milateriga Israa’iil ayaa sidoo kale sheegay in ay eegayaan warbixintaasi.

Israa’iil ayaa saddexdi maalin ee u danbeeyay aad u sii xoojiyay duqeymaha ay la beegsaneyso koofurta, bartamaha iyo waqooyiga Gaza, halkaas oo ay ku dishay tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur.

PUNTLAND POST