Fadhigii Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta oo kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday kooram la’aan, sida uu sheegay Guddoomiye Shiikh Aaden Madoobe.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Aaden Madoobe ayaa xildhibaannada aan fadhiga ka soo qayb gelin u sheegay in arrintaasi ay ceeb ku tahay baarlamaanka waxaana uu ugu digay in mar kale ay dhacdo.

“Saaka waxaan is leeyahay qalad wayn ayaa dhacay marka waxaan usoo jeedinayaa xildhibaannada yimid ee isa soo xilqaamay waad mahadsan tihiin waajibkiina dastuuriga ah ayaad gudateen, waana idinka mahacelinayaa” ayuu yiri Shiikh Aadan Madoob.

“Xildhibaannada maanta imaan waayay kuwa dibadda jira oo aan weli imaan iyo kuwa jooga ayay kala yihiin waxaan leeyahay baarlamaanka waa la furay ha yimaadaan, xildhibaannada jooga magaalada ee imaan waayay fadhiga waa is ceebeyseen” ayuu sii raaciyay Aadan Madoobe.

PUNTLAND POST