Xildhibaan mudda dheer ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland oo ku geeriyooday magaalada Laascaanood

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdrisaaq Axmed Siciid ayaa tacsi u diray ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland ee uu ka geeriyooday Ex-Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac oo muddo dheer kamid ahaa Baarlamaanadii kala dambeeyey ee Dawladda Puntland soo maray gaar ahaan Baarlamaanadii 2aad, 3-aad, 4aad iyo 5aad.

“Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun, anigoo ku hadlaya afka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa Ehelada iyo qaraabada guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland ee uu ka baxay Xildhibaan hore Faarax Sulub Jaamac oo muddo dheer ka tirsanaa Baarlamaanadii kala dambeeyey ee Dawladda Puntland.

Waxaan si gaar ah ALLE uga baryayaa inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, ehelka iyo qaraabadana samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

PUNTLAND POST