Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo Shir gaar ah ku yeeshay magaalada Asmara

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan waddanka Eritrea ayaa shir gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Asaias Afwerki.

Labada Madaxweyne ayaa wada-hadal ka yeeshay xaaladda Geeska Afrika iyo Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda sida laga soo xigtay wakaaladda Wararka ee dalka Eritrea.

Dhinaca kale labada Madaxweyneayaa  kormeer ugu tagay cutubyo katirsan  ciidanka Cirka Soomaaliya oo tabbar ku qaadanaya  xarunta ciidanka Cirka ee Ereteriya (EAF) ee magaalada Asmara.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidanka isagoo intaas kadib  u kuur-galay xaaladaha ay ku sugan yihiin, wuxuu  warbixinno ka dhegeystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta uu tababarka u socdo.

PUNTLAND POST