Kismaayo: Axmed Madoobe oo la kulmay Kornayl David Haskell

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo ku qaabilay taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell oo booqasho ku yimid Jubaland.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland kulanka waxaa looga hadlay howlgallada ay wadaan Ciidamada Jubaland iyo tageerada dhinaca amniga ee dowladda Maraykanka ee la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Taliyaha hawlgallada gaarka ah ee wadajirka ah ee bariga Afrika Kornayl David Haskell ayaa bogaadiyay howlgallada ay ciidamada Jubaland kula wareegeen deegaanka Buulo-xaaji iyo deegaanada ku xeeran.

Madaxweynaha Jubaland waxaa kulanka ku wehelinayay Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubaland Maxamed Axmed Sabriye iyo Taliyaha Ciidamada Darawiishta Jeneraal Ismaciil Saxardiid.

PUNTLAND POST