Hoggaamiyaha SSC-khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti.
Qoraal ka soo baxay Maamulka SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye uu Kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inHoggaamiye Firdhiye uu si weyn uga mahadceliyey Soo dhawaynta diirran ee shacabka iyo Dawladda Jabuuti ku soo dhaweeyeen weftiga Maamulka SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha ayaa Sidoo kale bogaadiyay Doorka Dowladda Jibuuti ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan iskaashiga amniga ee gobolka.
Dhankiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa bogaadiyey booqashada Hoggaamiyaha iyo weftigiisu ku yimaadeen Dalka Jabuuti, isagoona xusay in Jabuuti tahay dal iyo dowlad xarun u ah Soomaali oo laga jecelyahay dhammaan dadka Soomaliyeed.
Hoggaamiyaha ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibuuti uga warbixiyay Xaaladda Guud ee SSC-Khaatumo, nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaannada SSC-Khaatumo, maamul dhiska, iyo hiigsiga dhaw ee dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.