
Hoggaamiyayaasha militariga ee afgembiyay maamulladii Mali, Burkina Faso iyo Niger , ayaa shirkoodii u horreyay oo wadajir ah ku yeeshay caasimadda dalka Niger ee Niamey.
Halkaasi oo ay kaga dhawaaqeen in ay sameynayaan urur ay ku mideysanyihiin oo ilaalinaya madax bannaanidooda, amniga iyo iskaashiga guud, sida uu ku dhawaaqay Ibrahim Traore, hoggaamiyaha Burkina Faso.
Shir madaxeedkan ayaa u muuqda mid ay ku muujinayaan ka bixitaankooda ururka ECOWAS oo ay saddexda hoggaamiye sheegeen in ay ka baxeen horraantii sannadkan, inkasta oo ay jiraan dadaalo badan oo dib u heshiisiineed.
Mali, Burkina Faso iyo Niger, oo ay ka dhaceen afgembiyo is xigay oo militariga ay xukunka kula wareegeen , ayaa isbeddelo weyn ku sameeyay jihada siyaasadeed ee galbeedka Afrika , iyagoo dalalkooda ka saaray Faransiiska iyo Mareykanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.